Ciidamo horay uga goostay maamulka la baxay Jubbaland oo ku biiray Dowladda Fedaraalka, ayaa shalay laga dejiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Ciidankan oo ay daruuf iyo kala daadsanaan ka muuqato, ayaa maalmihi lasoo ku sugnaa degaanka Raas-Kambooni ee gobolka Juabada Hoose.
Haatan waxaa la sheegay iney si toos ah ugu biirayaan ciidanka Dowladda Fedaraalka oo diiwaangelin loo sameynayo sida hadalka loo dhigay, sida muuqatana Dowladda Federaalka ayaa kasoo fogeysay Raas-Kambooni, si aaney askartani halis ugu noqon ciidankeeda jooga halkaas.