Monday, March 10, 2025
HomeAll NewsCiidanka Xabashida Itoobiya oo Kordhiyay Dhaca ay ka Geysanayaan Magaalada Jigjiga.

Ciidanka Xabashida Itoobiya oo Kordhiyay Dhaca ay ka Geysanayaan Magaalada Jigjiga.

Dhaca ay ciidanka Xabashida Itoobiya iyo kuwa Sirdoonka ay ka wadaan magaalada Jigjiga ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay ay dhac ka geysteen qeybo kamid ah magaaladaas.

Muuqaallo xilli habeen ah la duubay ayaa muujinaya dhac ay ciidan katirsan sirdoonka Dowladda Xabashida Itoobiya u geysanayaan wiil dhalinyaro ah oo kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Jigjiga.

Maleeshiyaadkaan ayaa mararka qaar waxa ayba dil ugeystaan dadka rayidka ah ee ay dhaca u geysanayaan, halka qaarkoodna ay jirdil xooggan ugeystaan.

Ciidanka Xabashida oo kaliya maaha kuwa dhaca ka wada magaalada Jigjiga, ee waxaa sidoo kale dhibaatadaan ku holwan qaar kamid ah maleeshiyaadka maamulka Mustafa Cagjar ee ay Dowladda Xabashida Itoobiya ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed.

Halkaan ka Degso Warka Jigjiga

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.