Monday, March 10, 2025
HomeAll NewsCiidanka Xabashida & Kuwa Maamulka Koonfur-galbeed oo Lagu Weeraray Baay iyo Bakool.

Ciidanka Xabashida & Kuwa Maamulka Koonfur-galbeed oo Lagu Weeraray Baay iyo Bakool.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxa ay weeraro kala duwan ka fuliyeen, qeybo kamid ah goballada Baay iyo Bakool ee Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo lala beegsaday ciidanka Xabashida Itoobiya iyo kuwa maamulka la baxay Koonfur-galbeed.

Haddaan ku horreyno gobalka Baay, waxay xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar ku qaadeen xero ay askarta Xabashida Itoobiya ku leeyihiin, deegaanka Awdiinle ee dhaca duleedka magaalada Beydhabo ee xarunta gobalkaas.

Sidoo kale isla xalay, waxay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar ku qaadeen, saldhig ay askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ku leeyihiin halka loo yaqaanno Maaya-fuulka ee gudaha magaalada Beydhabo.

Askari katirsan maamulka la baxay Koonfur-galbeed ayaa sidoo kale lagu dhaawacay, weerar ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab xalay ku qaadeen xero ciidan oo ku taalla degmada Waajid ee gobalka Bakool.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.