Wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Lubnaan oo soo xiganeysa wakaalladda wafaafinta ee xukuumadda Beruut ayaa sheegtay maalintii shalay, in magaalada Kafrakla ee dhacda Koonfurta wadankaasi lagu dilay 1 askari oo kamid ah xukuumadda dalkaasi 2 ruux oo kalena lagu dhaawacay.
Dilka askariga iyo dhaawaca labada qof oo shacab ah ayey wakaaladdu sheegtay iney ka dambeeyaan ciidamada Yahuudda, kuwaasoo xoog ku jooga Koonfurta Lubnaan, islamarkaana diiday iney ka baxaan tan iyo markii ay dhamaatay mudadkii la go’aamiyay ee ku xisneyd heshiis ku sheegii dhexmaray Yahuudda iyo ururka Shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah.
Arrinta la yaabka leh ayaa ah, in iyadoo sidaasi ay Yahuuddu u dileyso ciidanka xukuumadda Lubnaan hadane aysan hal xabad ku ridikarin, taasoo ay usii dheertahay iney Yahuuddu si dadban ugumeysato askartan, lana maamusho dhulka ay sheegayaan iney iyagu ka taliyaan ee kamid ah wadanka Lubnaan.
Isku soo wada duuboo ciidanka Yahuudda ee ku sugan Koonfurta Lubnaan ayaa ujooga halkaasi mid kamid ah ahdaaftii ay Yahuudda dagaalka ugu qaadday dalkaasi oo ah dhul ballaarsi.