Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Baarlamaanka Dowladda Federaalka ayaa ka hadlay, khasaaraha ka dhashey weerarkii Inghimaasiga ahaa ee ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen dhisme uu ka socday abaabul ciidan oo ku yaala magaalada Baladweyne.
Wuxuu sheegay in loo soo sheegay in weerarka lagu dilay dad uu isagu garanayo, oo ay kamid yihiin saraakiil horey ugu dhaawacmey weeraro ay fulisay Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab.