Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsDaahir Amiin Jeesow oo Qiray in Al-Shabaab ay la Wareegeen Dhul Baaxad...

Daahir Amiin Jeesow oo Qiray in Al-Shabaab ay la Wareegeen Dhul Baaxad Leh.[DHAGEYSO]

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Baarlamaanka Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu shaaca ka qaaday, in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay isku fidisay dhul ballaaaran oo katirsan gobalka Sh-dhexe.

Waxa uu tilmaamay in duullaankii xoogganaa ee ay Mujaaidiintu ku qaadeen deegaanno katirsan Sh-dhexe ay guulo kasoo hooyeen, Dowladda Fedaraalkana laga itaal roonaaday.

Waxa uu sidoo kale sheegay, in Dowladda Fedaraalka ay guul darreystay in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ka saarto deegaanka Beerayabaal, halkaas oo dhowr jeer lagu soo jabiyay ciidankooda, laguna gaarsiiyay khasaare lixaad leh.

Waxa uu sidoo kale hadlay hadalkii kasoo yeeray wasiirka cadaaladda ee Dowladda Fedaraalka ee ahaa iney guul tahay in saraakiishii Muqdisho ku dhibaateyn jiray dadka iyo siyaasiyiinta ay u diraan furimaha.

Halkaan ka Degso Warka Jeesow

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.