Sunday, March 16, 2025
HomeAll NewsDab ka Kacay Diyaarad Rakaab ah oo Laga Leeyahay Dalka Mareykanka.

Dab ka Kacay Diyaarad Rakaab ah oo Laga Leeyahay Dalka Mareykanka.

Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa ku waramaya, in dab uu ka kacay diyaarad rakaab oo ka dageysay mid kamid ah garoomada ku yaalla dalkaas.

Diyaaradda oo ay iska leedahay sharikad shirkadda American Airlines, ayaa waxa uu dabki qabsaday xilli ay ka dageysay garoonka diyaaradaha ee ku yaalla Mandiqadda Kolarado ee dalka Mareykanka.

Markii ay garoonka soo caga dhigatay ayaa waxaa mar qura uu dab qabsaday diyaaradda, iyadoo dadkii saarnaa ay billaabeen iney si halhaleel ah kaga degtaan diyaaradda.

Ugu yaraan 12 ruux oo kamid ahaa rakaabkii diyaaradda saarnaa ayaa la dhigay isbitaallada, kadib markii ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen dabka ka kacay diyaaradda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.