Maalmihii lasoo dhaafay dab xooggan oo aan la ogeyn waxa uu ka dhashay, ayaa waxa uu saameyn xooggan ku yeeshay dad beeraley ah oo ku dhaqan deegaanno katirsan gobalka Awdal ee woqooyiga Soomaaliya.
Tiro ku dhaw 20 aqal oo kamid ahaa guryaha ay ku noolaayeen dadka beeraleyda ah ayuu dabku bas beeliyay, isagoo sidoo kale baabi’iyay dhul beereedyo ku yaalla deegaannadaas.
Qaar kamid ah dadka ku dhaqan mandiqadda uu dabku ka socdo ayaa sheegay, ineysan garaneyn waxa uu ka dhashay dabkaan, iyagoo ka warbixiyay khasaaraha uu geystay.