Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsDab Xooggan oo ka Kacay Suuqa magaalada Qabri-Bayax ee Soomaali-galbeed.

Dab Xooggan oo ka Kacay Suuqa magaalada Qabri-Bayax ee Soomaali-galbeed.[DHAGEYSO]

Dab xoogan ayaa ka kacay suuqa weyn ee magaalada Qabri-Bayax ee gobolka Faafan ee dhulka Soomaaligalbeed, ee ku hoosjira gumeysiga dowladda Itoobiya.

Sida la sheegay, waxa uu dabku basbeeliyey ugu yaraan 12 xarumood oo ganacsi, iyadoo dabka loo waayay dabdamis.

Dadka magaalada ayaa gurmad wixii ay awoodeen sameeyay, waxaana xilli dambe lagu guuleystay in dabka la bakhtiisiiyo.

Marka laga soo tago burburka hantiyadeed ee ka dhashey dabka, waxaa lasoo warinayaa in hal qof uu dhaawac fudud kasoo gaaray.

Xilliyada Jiilaalka waxaa aad u badan dabka kaca, iyadoo sida muuqata deegaannada iyo dadka ku noolba aaney u diyaarsaneyn haddii musiibooyinka noocaas ah ay dhacaan sidii la isugu dayi lahaa in la yareeyo waxyeellada.

Halkaan ka Degso Warka Dabka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.