Monday, March 17, 2025
HomeAll NewsDad Badan oo Ku Naf Waayay Qarax ka Dhacay Galbeedka Dalka Suuriya.

Dad Badan oo Ku Naf Waayay Qarax ka Dhacay Galbeedka Dalka Suuriya.

Maalintii shalay qarax xooggan ayaa ka dhacay guri ku yaalla magaalada Al-Laadiqiyyah ee dhacda Galbeedka wadanka Suuriya.

Qaraxan oo gallaaftay nolosha dad badan, ayaa ka dhashay haraadiga dagaalladii ka dhacay Suuriya, wuxuuna si gaar ah kaga dhacay dhisme ku yaalla Koonfurta magaalada.

Xog la helayo ayaa sheegeysa inuu ahaa gentaal ka haray dagaalladii horay udhacay, islamarkaana uu qarxay xilli uu furfurayay nin ku jira gudaha dhismaha.

Gurigii uu qaraxu ka dhacay ayaa ku dul dumay dadkii halkaasi ku sugnaa, waxayna tirada dadka ku naf waayay qaraxaasi haatan mareysaa 16 ruux oo ay ku jiraan 5 dumar ah iyo 5 caruur ah, halka ay sido kale ku dhaawacmeen 18 qof oo ay ku jiraan 6 caruur ah.

Burburka dhismahan oo dhowr iyo toban saacadood dunsan ayaa hoostiisa laga baarayaa dad hor leh, waxayna tilmaameen kooxaha gurmadka deg dega ah ee Suuriya, suurtagalnimada iney sii korkorto tirada dadka uu gallafay qaraxan.

Haraadiga dagaallada ayaa sedaxdii bilood ee tagtay waxaa ku nafwaayay dhanka kalena ku dhaawacmay ku dhawaad 200 oo ruux.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.