Malleeshiyada RSF oo ee taageerada ka helaya dowladda Imaaraat-ka Carabta oo caadeystay xasuuqa shacabka Suudaan, ayaa lagu eedeeyay iney ugu yaraan 6 ruux ku dilay duqeyn madaafiicda goobta loo adeegsaday oo ay ka fuliyeen goob udhow magaalada Al-Faashir ee xarunta gobolka Daar-Fuur.
Duqeyntan ayaa dhacday maalintii shalay, waxayna beegsatay dad shacab ah oo ku sugnaa suuq ku yaalla halkaasi, kaasoo xilliga ay duqeyntu dhacaysay shacab badani joogeen.
kooxda gargaarka deg dega ah ee ku sugan xerada Abu Showk ee dhacda duleedka Al-Faashir ayaa sheegay, in kaamka iyo suuqba ay kusoo dhaceen madaafiic meel fog laga soo tuuray, waxayna intaasi ku dareen in madaafiicdu uga timid dhanka RSF.
Shacabka ku nool wadanka Suudaan ayaa waxaa si wadajir ah usaameeyay colaadda iyo macluusha ka jirta wadanka.