Sunday, March 16, 2025
HomeAll NewsDagaallo Lagu Jabiyay Ciidamada Dowladda Fedaraalka oo Maanta ka Dhacay Sh/Dhexe.

Dagaallo Lagu Jabiyay Ciidamada Dowladda Fedaraalka oo Maanta ka Dhacay Sh/Dhexe.

Dagaallo culus oo lagu jabiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa maanta ka dhacay degaanka Boos-Hareeri ee hoostaga degmada Aadan Yabaal oo katirsan Shabeellada Dhexe,

Iska hor imaadyadan oo ahaa kuwo culus waxaa askarta Dowladda Fedaraalka lagu gaarsiiyay khasaare culus iyadoo laga wareegay gaadiid dagaal, maxaabiisna gacanta looga dhigay

Gawaarida lala wareegay waxaa kamid ah gaari uu ku rajiban yahay qori Suug ah oo uu leeyahay Korneyl Saney Cabdulle iyo gaari kale oo Hartoob ah.

Sidoo waxaa dagaalladan dhimasho iyo dhaawac ku noqday ciidamo katirsan Dowladda Fedaraalka.

Maxaabiis dagaal oo aan tiradooda la shaacin ayey sido kale gacanta ku dhigeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo iyagu dagaalladan ku adkaaday.

Wixii faahfaahin ah ee kusoo kordha dagaalladan waan idiin soo gudbin doonnaa haddii Rabbi idmo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.