Wednesday, March 5, 2025
HomeAll NewsDagaallo u Dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland oo Ka Socda Raas-Kambooni.

Dagaallo u Dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland oo Ka Socda Raas-Kambooni.

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka labaxay Jubbaland ayaa waxay maanta ku dagaallameen deegaanno u dhow Raas-Kambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Dhinacyada ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxayna kala sheegteen guulo iyo in midba midka kale uu ka dilay ciidamo badan, gawaarina ka gubay, maxaabiis nool noolna gacanta uga dhigay.

Waxay dhinacyadu kala sheegteen in midba midka kale uu dagaalka kusoo qaaday, lamana hayo tafaasiil dheeri ah.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda arimaha ammaanka ee maamulka labaxay Jubbaland ninka lagu magacaabo Aadan Axmed Xaaji, ayaa sheegay in dagaalka iyaga lagu soo qaaday, loona adeegsaday diyaarado drones ah.

Wuxuu tilmaamay in ciidamo katirsan kuwa Gorgor ay isku soo dhiibeen dhankooda, si wanaagsanna loo soo dhaweeyo, sida uu hadalka u dhigay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.