Wednesday, March 5, 2025
HomeAll NewsDagaallo u Dhexeeya Pakistan & Afghanistan oo ka Socda Xad-beenaadka Labadaas Dal.

Dagaallo u Dhexeeya Pakistan & Afghanistan oo ka Socda Xad-beenaadka Labadaas Dal.

Tan iyo Isniintii lasoo dhaafay waxa uu dagaal la isku adeegsaday hubka culus iyo kan fudud dhexmarayaa ciidamada Dowladda Islaamiga ah ee Daalibaan iyo kuwa dowladda Bakistaan, waxayna labada dhinac iska dileen askar halka kuwo kalena ay iska dhaawaceen.

Dagaalkan ayaa la sheegay iney kolkii hore billaabeen askarta Bakistaan, intaasi kadibna ciidamada Imaaradu iyaga oo isdifaacaya weerareen fadhiisimayaasha ay soohdin beenaadka ku leeyihiin ciidanka Bakistaan halkaasina kala wareegeen, kadib markii ay xuduud beenaadka ka gudbeen.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Afqaanistaan oo ka hadashay arrintan ayaa sheegtay, in iyaga weerar lagu billaabay, islamarkaana ay isdifaaceen, ciidankoodana Bakistaanna ay gaarsiiyeen khasaare nafeed islamarkaana ka dileen askar halka kuwo kale ay ka dhaawaceen.

Iyaga dhankooda wuxuu sheegay in dagaalladan looga dilay 1 askari loogana dhaawacay 2 kale, walina waxay wararku tilmaamayaan in dagaalku socdo, walow ay jirtay waqtiyo ay joogsatay xabaddu.

Xukuumadda Bakistaan dhankeeda kama aysan hadalan weerarkan iyo askar dhimashada iyo dhaawaca uga noqday dagallada toona.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.