Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsDagaallo Xooggan oo u Dhexeeya Ciidanka Itoobiya iyo FANO oo Wali ka...

Dagaallo Xooggan oo u Dhexeeya Ciidanka Itoobiya iyo FANO oo Wali ka Socda Gobalka Amxaarada.

Wararka ka imaanaya ismaamulka Amxaarada ayaa ku waramaya in weli gobolka ay ka socdaan dagaallo culus oo dhexmaraya, malleeshiyaadka kooxda Fano iyo ciidanka milliteriga Itoobiya ee magacooda loo soo gaabiyo ENDF.

Warbaahinta gobolka ee soo tabisa dagaallada dhexmaraya kooxda Fano iyo ciidamada Itoobiya ayaa tabiyay, in maalmihii lasoo dhaafay deegaanno kala duwan oo katirsan ismaamulka Amxaarada ay ka dhaceen dagaallo lagu riiqmay, oo dhexmaraya kooxda Fano iyo ciidamada Itoobiya ee ka amar qaata Abiy Axmed.

Meelaha ay ka socdaan dagaallada ugu adag waxaa kamid ah magaalooyinka Wollo, Gojjam, Gondar iyo Debre Birhan, waxaana dhinacyada dagaallamaya ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo ciidamada Itoobiya ay adeegsanayaan diyaaradaha dagaalka, kuwaasoo duqeymo aan loo meel dayin ka fulinaya deegaannada lagu tuhunsanyahay iney ku suganyihiiin malleeshiyaadka Fano.

Hone Mandefro oo xubin ka ah jamciyadda Amxaarada ee Maraykanka iyo Henok Ashagray oo xubin ka ah xarunta Xuquuqda Aadanaha ee taabacsan jaamacadda Pretoria ayaa maqaal ay qoreen waxay ku sheegeen, in dagaallada ka socda gobolka Amxaarada ay sii xoogeysanayaan marba marka ka dambeysa, dhinacyaduna aaney muuqan cid loo awood sheegan karo.

“Ciidamada Dowladda waxay sii laba jibbaareen xamalaaatkooda dagaalka, waxayna xilligan adeegsanayaan diyaaradaha dagaalka iyo Dronesta, halka kooxda Fano ay si adag isaga caabineyso, dagaalka waxa uu u muuqdaa mid xoogan oo waqti dheer soconaya, maamulka gobolkana wuxuu isku bedelayaa si joogta ah” ayay ku yiraahdeen labada nin ee Itoobiyaanka ah warbixin ay ku qoreen website-ka Inter Press Service.

Bishii October ee sanadkii tagay 2024 -ka ayay ciidamada Itoobiya waxay gobolka Amxaarada kaga dhawaaqeen xamlo milliteri, oo ujeedadeedu ahayd in lagu maquuniyo kooxda Fano gobolkana looga saaro, laakiin waxaa xamladaas soo wajahay iskacaabin adag, 80% gobolkana waxaa gacanta ku haya Fano, wadooyinka la isaga kala gudbo magaalooyinka gobolka ayaana kamid ah meelaha ay ku xooganyihiin dagaalyahannada Fano.

Dagaallada ka socda gobolka Amxaarada ayay falanqeeyayaashu tilmaamayaan inuu saameyn adag ku yeeshay nolosha, si gaar ah beeraha iyo ganacsiga, waxaana xirmay xarumihii caafimaadka ee gobolka, iyadoo ay sii kordheyso halista la xiriirta macluul ka dillaaca mandiqadda, waxaana malaayiin qof ay ka barakaceen guryahooda, iyadoo 4.1 malyan oo caruur ahna aaney aadin xarumaha waxbarashada, maadaama badankood albaabada loo laabay.

Mid kamid ah asbaabaha sii dheereeyey dagaalka gooblka Amxaarada ka socda ayay ku sheegayaan dadka falanqeeya xaaladda Itoobiya iney tahay, iyadoo dadka Amxaarada ay la safanyihiin kooxda Fano, una arkaan iney yihiin ciidamo u dagaallamaya soo dhicinta xuquuqda dadka Amxaarada ah, waxaana adag marka taariikhda siraacaatka laga hadlayo, in lasoo afjaro jabhad taageero ka heysata dadka ay ka dhex dagaallameyso.

Halkaan ka Degso Warka Dagaallada Itoobiya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.