Wednesday, March 12, 2025
HomeAll NewsDalka Koonfurta Suudaan oo looga Baqayo inuu Lugaha la Galo Xaalad Qalalaaso...

Dalka Koonfurta Suudaan oo looga Baqayo inuu Lugaha la Galo Xaalad Qalalaaso ah.[WARBIXIN]

Walaac ayaa weli ka taagan xaaladda Koonfurta Suudaan, kadib ku dhawaad ​​labo Toddobaad oo xiisad kacsanaan ah ay ka jirtay dalkaas, iyadoo dhinacyada halkaas ku sugan ay ku dadaalayaan sidii ay u qancin lahaayeen oo ay u ballan-qaadi lahaayeen inaysan mar kale ku dhex milmin fowdadan cusub.

Xiisadda militari ee u dhaxeysa ciidamada dowlada iyo maleeshiyaad hubeysan ee loo yaqaan “Ciidanka Cadaanka” oo intooda badan ka soo jeeda qabiilka Nuer, oo ah qabiilka ugu badan ee daga Koonfurta Suudaan ayaa ka bilaawatay gobolka Nile-ka sare ee waqooyiga dalkaasi, kaas oo xuduud la leh dalka Suudaan, halkaas oo maleeshiyaadka ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Al-Naasir iyo tiro ka mid ah fariisimo ay militariga dalkaas ku lahaayeen gobolka, taasoo keentay dhimashada tiro badan iyo inay dadka rayidka ah u barakacaan deegaano kale oo nabdoon.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa qiyaasaya in uu jiro xiriir u dhaxeeya ciidamada cadaanka ah iyo madaxweyne ku xigeenka dalkaas Riek Machar, kaas oo ah ninka ay aadka u xafiiltamaan madaxwaynaha South Suudaan Salva Kiir, Mas’uuliyiinta dowladda oo ka jawaabaya dhaqdhaqaaqyada ka socda gudaha magaalada Al-Naasir ayaa waxa ay xabsiga u taxaabeen, hogaamiyayaal sare oo ku sugan magaalada caasimadda ah ee Juba, kuwaas oo ay ku jiraan wasiirro iyo saraakiil ka tirsan ciidamada iyo amniga oo daacad u ah madaxweyne ku xigeenka dalkaas.

Halkaan ka Degso Warbixinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.