Wararka ka imaanaya gobalka Sh-dhexe ee Koonfurta Soomaaliya ayaa ku waramaya, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay goordhaw la wareegeen deegaan katirsan gobalkaas.
Deegaanka ay la wareegeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu magacaabaa Al-Kowthar, waxa uuna u dhaw yahay degmada Aadan-Yabaal ee gobalak Sh-dhexe.
La wareegitaanka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee deegaanka Al-Kowthar ayaa kusoo aadeysa, iyadoo saakay weerar culus lagu qaaday ciidamo katirsan Dowladda Fedaraalka, kaas oo ka dhacay deegaanka Boos-hareeri oo isana hoostaga degmada Aadan-Yabaal.
Weerarkaas ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, halka lagu qabtay tiro maxaabiis ah, iyadoo lagu soo furtay gaari uu ku rakiban yahay qori Suug ah oo uu lahaa Saaney Cabdulle oo kamid ah saraakiisha Dowladda Fedaraalka.