Monday, March 3, 2025
HomeAll NewsDEG-DEG: Al-Shabaab oo Dagaal Kula Wareegay Deegaan Hoostaga Aadan-Yabaal.

DEG-DEG: Al-Shabaab oo Dagaal Kula Wareegay Deegaan Hoostaga Aadan-Yabaal.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa wali sii wada horumarrada ballaaran ee ay ka sameynayaan qeybo kamid ah gobalka Sh-dhexe.

Goordhaw waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab dagaal kula wareegeen, deegaan horleh oo katirsan gobalka Sh-dhexe ee Koonfurta Soomaaliya.

Deegaanka ay dagaalka kula wareegeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu magacaabaa “Boos-hareeri” kaas oo hoos tagta degmada Aadan-Yabaal.

Waxaa lasoo warinayaa in weerarka lagula wareegay deegaanka khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka.

Xalay ayay aheyd markii ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen, saldhigyada ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin degmada Aadan-Yabaal ee gobalka Sh-dhexe.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.