Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waabgerigii hore ee saaka, waxay weeraro cagmarin ah ku qaadeen saldhigyo ay gobolka Shabeellaha Dhexe ku leeyihiin ciidamada Dowladda Federaalka.
Goobaha ay saaka dagaallada culus ku qaadeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxaa kamid ah deegaannada Ceel Cali Axmed, Cali Fooldheere iyo Daarunicma, halkaas oo ay ka dhaceen dagaallo aan waxba la isku reeban.
Guud ahaan deegaannada saaka lagu dagaallamay waxaa la wareegay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana lasoo warinayaa khasaare kala duwan.
La Soco wixii soo kordha.