Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku waramaya, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen deegaanka Cadaan Laxeey ee hoostaga degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dagaalka oo ahaa mid qaraar waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada Dowladda Federaalka.
Marka laga soo tago khasaaraha waxaa jira ciidamo katirsan Dowladda Federaalka oo iyagoo nool gacanta lagu dhigay.
Wixii kusoo kordha xaaladan waan idin la socod siin doonnaa Inshaa Allaah.