Maktabka Qadaha ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqay inay maalinta berito oo Sabti ah ay tahay Ramadaan, kadib markii la xaqiijiyey in bisha laga arkay deegaano ka tirsan wilaayaatka Islaamiga ee Soomaaliya.
War kasoo baxay maktabka Garsoorka ayaa lagu sheegay in bisha lagu arkay deegaano kamid ah wilaayaatka Bakool iyo Shabeellada Hoose.
Dhalashada bisha Ramadaan ayaa laga arkay deegaannada kala ah, Buq-aqable iyo Mukayle ee Wilaayada Hiiraan, duleedka degmada Rabdhuure ee Wilaayada Bakool, deegaanka Gaay-warroow iyo duleedka Buula-Mareer ee Wilaayada Shabeellada Hoose.
Maktabka qadaha ayaa xaqiijiyay in dad ka badan toban qof oo Muslimiin ah, ayna ku jiraan culimo, laga hubiyey in ay bisha indhahooda ku arkeen, waxaana sidaas darteed uu maktabku ku dhawaaqay in maalinta berrito oo Sabti ah ay tahay koowda bisha barakeysan ee Ramadan.