Diiradda Jimcaha, waa barnaamij todobaadle ah oo ka baxa Warbaahinta Islaamiga Al-Furqaan, waxaana lagu falanqeeyaa hadba qodobka ugu weyn ee todobaadkaas taagan, iyadoo mararka qaarna lagu soo gudbiyo mawaadiic gaar ah oo ahmiyad xambaarsan.
Todobaadkan waxaa barnaamijka lagu soo qaatay mowduuc ku saabsan Soomaalida iyo dhaxalka, iyadoo dhegeystayaashu ay su’aalo weydiinayaan Sheekh Cali Cabdullaahi Calikatiin oo marti ku ah Diiradda.