Waxaa sii xoogeysaneysa dhibaatada ay ciidamada Sirdoonka Dowladda Fedaraalka ku hayaan bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay markale shaaca ka qaadeen, in ay sii kordheyso dhibaatada ay ciidamada dharcadda ee Dowladda Fedaraalka ku hayaan dadka ku nool gobalka Banaadir.
Waxa ay sheegeen in ay dadka ku hayaan fasaad iyo jirdil xooggan oo ay u geysanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada, tirada yar ee la arkay iyagoo dhibaateynaya ay ka badan tahay kuwa qarsoon ee aan la arkin.