Magaalada New Delhi ee caasimadda wadanka India waxaa saakay aroortii kahor inta aysan qorraxdu soo bixin ka dhacay, dhul gariir cabirkiisa lagu sheegay 4 derejo.
Dhul gariirkan ayaa si gaar ah kaga dhacay duleedyada caasimadda, in kastoo aan lasoo tebin wax khasaare nafeed ama mid hantiyeed ah, hadane waxaa ka argagaxay Hindi badan oo guryahooda faarujiyay kadib dhacdadan.
Hay’ad laga leehay Mareykank oo qaabilsan cilmiga dhulka, laguna yaqaano iney ka hadasho dhulgariirada, ayaa sheegtay in dhul gariirkan uu kasoo billowday masaafo dhan 10KM oo gunta hoose ee dhulka ah.
Ma ahan markii ugu horreysay oo uu dalka Hindiya ka dhaco dhul gariir, wuxuuna kamid ah yahay wadamada tirooyinka dhowr jeer ah laga diiwaan geliyay.