Maalintii shalay oo Jimco ahay waxaa caasimadda dalka Giriiga ka dhacay, banaabaxyo ay isugu yimaadeen dad badan oo ay kaga soo horjeedaan xukuumadda dalkaasi, dhanka kalena ay ku xusayeen sida ay sheegeen dad ku le’day shil dareen oo dhacay 2023-kii.
Banaanbaxayaashan iyo ciidamada Booliska Giriiga ayaa waxaa dhexmaray iska hor imaadyo xooggan, iyadoo Boolisku ay dadka u adeegsadeen suntan dadka ilmeysiisa, halka dibaxyaashuna ay ciidanka waxyaabo ay kamid tahay maalatoofta.
Dad aan ka yareyn 41 ruux ayey xireen boolisku sida wararku tilmaamayaan, halka ay dhaawacmeen 20 kale oo loo qaaday isbitaalka, kuwaasoo ku dhaawacmay iska hor imaadiyadii dhexmaray iyaga iyo Booliska.
Dadweynaha wadankaasi ayaa ku dhaliilsan xukuumadda Giriiga, sida ay uwaajahday shirka tareenka oo la sheego iney ku dhinteen 57 qof.
Dibadbaxyadan kaliya kama dhicin caasimadda wadankaasi, balse waxay ahaayeen kuwa sida wada jir ah u abaabulan oo laga dhigay guud ahaan wadanka.