Sunday, March 16, 2025
HomeAll NewsDiyaaradaha Dowladda Itoobiya oo Xalay Duqeeyay Degmada Jilib.

Diyaaradaha Dowladda Itoobiya oo Xalay Duqeeyay Degmada Jilib.

Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Itoobiya ayaa xalay duqeymo ka geystay magaalada Jilib ee gobolka J/Dhexe.

Fuustooyin shidaal ka buuxo ayey ku tuureen gudaha degmada, waxayna si gaar ah ubeegsadeen suuqa Jilib iyo Jaamacadda Al-Qimmah,Hanti badan ayaa halkaasi ku bas beeshay dabkiina xilli dambe ayaa la damiyay.

Duqeymahan ayaa ah kuwo ugub ku ah Soomaaliya, waxaana qorshe ay isla ogyihiin Itoobiya iyo Dowladda Fedaraalka, kaasoo la doonayo in lagu baabi’iyo magaalooyinka dalka iyo dhulka dhirta leh ee ay xoolugu daaqaan.

Maalmihii lasoo dhaafay ayey sidan oo kale diyaaradaha Itoobiya fuustooyin shidaal ugu tuureen dhul badan oo kamid ah gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana udambeysay degaanka Ceel-Bacad oo ay ku dileen hooyo iyo labo caruur ah oo ay dhashay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.