Sunday, March 16, 2025
HomeAll NewsDiyaaradaha Itoobiya oo Hooyo iyo Caruurteeda ku Dilay Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Diyaaradaha Itoobiya oo Hooyo iyo Caruurteeda ku Dilay Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel Bacad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku waramaya, in diyaaradaha dowladda Itoobiya ay duqeymo ka geysteen deegaankaas, taasoo ay ku dhinteen dad shacab ah.

Diyaaradaha dowladda Itoobiya ayaa fuustooyin bansiin ah waxay ku garaaceen guryo ku yaala deegaanka Ceel-Bacad, waxaana ay dhaliyeen duqeymahaas waxyeello isuga jirta dhimasho iyo burbur.

Mid kamid ah guryaha ay ku garaaceen duqeyntaas ayaa waxaa ku dhintay hooyo iyo labo caruur ah oo ay dhashey. Nabadoon Macallin Muxammad oo ah afhayeenka Odayaasha dhaqanka Shabeellaha Dhexe ayaana dhacdadan u xaqiijiyay warbaahinta.

Halkan kala deg Codka Afhayeenka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.