Xasan Cali Nuur SHuute oo ah gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa isagoo ku sugan qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, wuxuu sheegay in ciidamada jooga furimaha dagaalka ay iyaga isku tashtaan, oo aaney jirin wax ay gadaal ka sugayaan.
Wuxuu soo hadal qaaday ninka lagu magacaabo Cali Wabiir oo katirsanaa horjoogayaasha malleeshiyaad la shaqeeya Dowladda Federaalka oo ay Dowladda Federaalku xirtay, kadib markii ay ka shakisay.