Dowladda Fedaraalka ayaa ka laabatay hadal uu Xasan Sheekh ku duray digniintii amni ee maalmo kahor kasoo baxday dowladda Mareykanka, taas oo looga digay weeraro ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliso magaalada Muqdisho.
Daahir Carab oo ah Safiirka Dowladda Fedaraalka u fadhiya Mareykanka, ayaa waxa uu gabi ahaanba meesha ka saaray in khudbaddii uu Xasan Sheekh jeediyay Jimcihii lasoo dhaafay ay naqdineysay digniinta Mareykanka.