Xasan Macalin oo ah wasiirka Cadaaladda ee Dowladda Federaalka, ayaa guul ku tilmaamay saraakiishii ciidamada Dowladda Federaalka ee ay u direen furimaha dagaalka, qaarkoodna lagu dilay dagaallada ay la galeen Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Isagoo ka qeybgalayay kulan ka dhacay Muqdisho oo ay isugu yimaadeen xubnaha xisbiga UPD, ayuu sheegay iney guul tahay in saraakiishii Muqdisho ku dhibaateyn jiray dadka iyo siyaasiyiinta ay u diraan furimaha.
Hadalkan ayaa waxaa ka falceliyay taageeriyaasha qaar ee Dowladda Federaalka, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay mid lagu diganayo saraakiishii ku le’day dagaallada kudhawaad saddexdii sano ee lasoo dhaafay kasocday Soomaaliya, ee u dhexeeyay Xarakada Mujaahidiinta Al-SHabaab iyo Dowladda Federaalka.