Dowladda Federaalka ayaa Muujisay inuu khilaaf kala dhexeeya Dowladda Imaaraatka Carabta, iyadoo tlimaamtay iney jiraan dowlado badan oo faragelin ku haya dalka Soomaaliya.
Axmed Macallin Fiqi oo ah wasiirka arimaha dibadda Dowladda Federaalka, ayaa mar uu ka hadlayay booqashadii dhawaan madaxweynaha maamulka labaxay Soomaaliland ku tagay Imaaraatka Carabta, wuxuu sheegay in madaxda maamul goboleedyadu ay badankood u safraan dibadda iyadoo aaney raalli ka ahayn Dowladda Federaalka, booqashada Cirrana aaney kuwaasi ka duwaneyn.
Xiriirka Imaaraatka Carabta iyo Dowladda Federaalka mar su’aal laga weydiiyay, ayuu Fiqi muujiyay inuu jiro mad madow iyo khilaafaat, isagoo tilmaamay iney jiraan dowlado badan oo faragelin ku haya Soomaaliya.