Dowladda Fedaraalka ayaa sheegtay in saameyn xooggan ay yeelan karto joojinta taakuladii ay ka heli jireen Mareykanka.
Axmed Macallin Fiqqi oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Fedaraalka ayaa shaaca ka qaaday, in saameyn adag ay yeelan karto joojinta Mareykanka ee taakuladii millatari iyo gargaarkii uu siin jiray xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho.
Waxa uu tilmaamay iney ku qasbanaan doonaan buuxinta firaaqa ku imaanaya ee ah hakinta taakuladii ay heli jirtay, iyaguna aysan heysan dhaqaale ku filan.