Dowladda Ingiriiska ayaa hakineysa dhaqaalaha ay ku bixineysa dalalka caalamka, tallaabadan oo qeyb ka ah astaamaha muujinaya dhaqaale burburka xoogan ee heysta dowladaha reer galbeedka.
Warbixin ay baahisay warbaahinta Ingiriiska qeybteeda Africa la hadasha ee BBC AFRICA EYE ayaa lagu sheegay, in dowladda Ingiriiska ay joojineyso guud ahaan dhaqaalihii iyo taakuladii ay siin jirtay dalalka caalamka, oo ay kamid tahay wadamada dhaca qaaradda Afrika.
Illaa sagaal dal oo ku yaala qaaradda Afrika ayaa weynaya taakulladii dhaqaale ee ay bixin jirtay dowladda Ingiriiska, waxaana kamid ah Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, taasoo jiritaankeedu ku xiranyahay dhaqaalaha ay ka hesho dowladaha caalamka.
Sanadkii 2023-ka ayay dowladda Ingiriiska waxay siisay Dowladda Federaalka, sidoo kalena ku qarash gareysay duullaanka Soomaaliya lacag dhan 124 million oo doollar, go’aanka hadda lagu jarayo taageerada dhaqaale ee UK siineysay dalalka caalamka ayaana shaki la’aan ka dhigan saameyn horleh oo lasoo deristay duullaanka Soomaaliya.
Waxa uu go’aankan sidoo kale saameyn doonaa dalal ay kamid tahay Itoobiya, taasoo kaalin adag ka qaadaneysa duullaanka Shisheeyaha ee lagu soo qaaday dalka Soomalaiya.
Horay dowladda Maraykanka ayaa muda 90 cesho ah waxay u hakisay dhamaan taageeradii dhaqaale ee ay ku bixin jirtay dalalka caalamka, marka laga reebo Masar iyo Yahuudda, waxaana go’aankan uu saameeyay Dowladda Federaalka iyo ciidamada Shisheeyaha ee duullaanka ka wada Soomaaliya.