Monday, March 3, 2025
HomeAll NewsDowladda Itoobiya oo Markale Muujisay Damaceeda La Xiriira Qaadashada Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya oo Markale Muujisay Damaceeda La Xiriira Qaadashada Soomaaliya.

Itoobiya ayaa markale ku kacday xadgudub ka dhan ah dalka Soomaaliya, iyadoo sheegatay iney leedahay gobollo kamid ah wadanka.

Madaxweynaha Itoobiya oo ka hadlaya shirka Golaha Wasiirrada Midowga Afrika ayaa lagu soo bandhigey khariirrada Afrika oo muujinaysa Itoobiya oo lagu daray qayb kamid ah Soomaaliya.

Gobollada Nugaal, Mudug iyo Galgaduud ayay khariiraddu raacisay Itoobiya, taasoo ay ku jiraan xeebaha dhaca gobolladaas.

Wasiiru Dowlaha arimaha dibadda Dowladda Federaalka Cali Balcad, ayaa goobjoog ahaa kulankan, welina majirto wax war ah oo ay Dowladda Federaalka kasoo saartay arintan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Dowladda Itoobiya muujiso damaceeda la xiriira qaadashada Soomaaliya, waxaana muuqata in xilligani ay si rasmi ah usoo bandhigeyso wejigeeda rasmiga ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.