Saturday, March 15, 2025
HomeAll NewsDowladda Maraykanka oo Xabsiga Dhigtay Dad Kasoo Jeeda Filastiin.

Dowladda Maraykanka oo Xabsiga Dhigtay Dad Kasoo Jeeda Filastiin.


Wasaaradda amniga gudaha ee dalka Mareykanka ayaa wax ay sheegetay in gabadhani Fastiiniyadda ah oo kasoo jeedda dhulka Daanta Galbeed ee ka mid ah Falastiin, ay horay uga qeyb qaadatay banaanbaxyo lagu cambaareynayay xadgudubyada maamulka Yahuudda uu kawado Marinka Qazza.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arimaha gudaha ayaa waxaa lagu sheegey, in gabadhan Falastiiniyadda ah uu fiisaheeda uu dhacay 26 01 2022-kii, markaasoo ay sheegeen in ay joojisay waxbarashada.

Sidaasi si lamid ah waxaa horay dalka Mareykanka lagu xiray wiil dhalinyaro Falastiini ah, kasoo lagu magacaabo Maxamuud Khaliil , waxaana uu ahaa qof si aad ah u cambaareeya taageerada uu Mareykanku Yaahuuda ku siinayo xasuuqa dadka aan waxba galabsan, sanadkii tegay ee 2024-kii ayuuna ka qeyb galay banaanbaxyo waaweyn oo ka dhacay Mareykanka kuwasoo ay qabanayeen ardayda.

Si kastaba maamulka Trump ayaa waxa uu si walba uga soo horjeedaa in ay gudaha dalkaasi kasoo muqadaan dad shacab ah oo cambaareynaya xasuuqyada maamulka Yahuudda ee ka dhanka ah muslimiinta Qazza iyo taageerada Mareykanku la garab taagan yahay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.