Waxaa sii xoogeysanaya xiisadda u dhexeysa Dowladaha Itoobiya iyo Ereterea, iyadoo Adis Ababa lagu eedeeyay iney hurineyso xiisadda ka dhex taagan labada dhinac.
Xukuumadda Asmara yaa markii ugu horreysay jawaab ka bixisay, hanjabaaddii ku baaqeysay colaadda ee uga timid janaraal katirsan Dowladda Xabashida Itoobiya.
Hadallada xanafta leh ee kasoo baxaya xukuumadda Adis Ababa ayay Dowladda Eretrea sheegtay inaan loo dul qaadan karin, waxaana wasiirka wasaaradda warfaafinta Eretrea uu tilmaamay in ifafaale colaadeed oo sababi kara dagaal lagu hoobto uu ka muuqdo geeska Afrika.
“waa Jeneraal laxamaasadeysan ajandayaal cadawtooyo oo ka dhan ah Ereteriya wuxuuna doonayaa in Itoobiya ay dib uqabsato dekadda magaalada Casab ee Ereteriya”ayuu yiri Yemane Gebremeskel oo ah wasiirka iclaamka xukuumadda Asmara, mar uu ka jawaabayay hadalka colaadda ku baaqayay ee kasoo yeeray janaraalka katirsan Dowladda Xabashida Itoobiya.
Halkaan ka Degso Warka Xiisadda