Waalidiinta dhalay dhalinyaro ku xiran Sucuudiga midkoodna la dilay ayaa kulan ay kaga soo horjeedaan arrinkaas waxa ay ka qabteen magaalada Muqdisho.
Maxamed Nuur Xuseen oo maamulka Aala-Sucuud ku fuliyay xukun dil ah, ayaa waxaa intaas kadib magaalada Muqdisho ku kulmay, ehellada 44 kamid ah dhalinyaro wali u xiran maamulkaas kuwaas oo dil sugayaal ah.
Ugu horreyn hooyada dhashay Maxamed Nuur oo ah wiilka maalmo kahor la dilay, ayaa waxa ay ka warrantay goorta ugu dambeysay wiilkeeda.
Sidoo kale qaar kamid ah waalidiinta 44 kale ee soo hartay ayaa waxa ay walaac daran ka muujiyeen masiirka wiilashooda.