Ehellada sarkaal katirsanaa booliiska maamulka labaxay Soomaaliland oo uu dhawaan Hargeysa ku dilay mid kamid ah ciidankii uu isagu taliyaha u ahaa, ayaa sheegay inaaney aaseynin taliyaha, inta tiirka toogashada la geynayo askariga dilka geystay.
Ehellada Cabdi Salaan Nuur oo ahaa taliyihii saldhiga Maxamed Mooge ee bariga magaalada Hargeysa, ayaa waxaa toorrey ku dilay mid kamid ah ciidamadii uu u talinayay, kaasoo isaguna dhawaan maxkamadda ciidamada maamulka labaxay Soomaaliland ay ku xukuntay dil toogasho ah.
Ehellada taliyaha ayaa sheegay, in ciidamo katirsan maamulka Soomaaliland ay rasaas ku fureen dad ilaashanayay meydadka oo tallaagad ku jira, waxaana ay isweydiiyeen sababta loo dili la’yahay ninka xukunka dilka ah lagu riday.