Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaallo maanta ka dhacay deegaanka Cadaan Laxeey ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas o ay la wareegeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Inta la xaqqiijiyay waxaa dagaalka lagu dilay 4 askari oo katirsan Dowladda Federaalka, halka lagu dhaawacay 3 kale. Sidoo kale waxaa dagaalka lagu soo qabtay labo askari, kuwaasoo iyagoo nool ay gacanta ku hayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Weli waxaa gobolka Shabeellaha Dhexe ka socda howlgallo ballaaran oo ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaasoo la wareegay deegaanno muhiim ah oo katirsan gobolka.