Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashey, weeraro ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen, dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga dowladda Kenya.
Weerarka koowaad waxa uu ka dhacay xero ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Alunga ee hoostaga degmada Lafeey, waxaana lagu dilay hal askari, halka lagu dhaawacay saddex kale.
Weerar kale oo kamiin ah kana dhacay inta u dhexeysa degmada Ceelqaalow iyo deegaanka Harazuki ee dhulka NFD, ayaa isaguna waxaa ka dhashey dhimashada 2 askari Kenyaati ah iyo dhaawaca 6 kale.
Marka laga soo tago khasaaraha dhimasho iyo kan dhaawac, waxaa weerarkan lagu gubay gaari kooyal ah.