Faahfaahin ayaa laga helayaa weerar culus oo ay maleeshiyaadka Amxaarada FANO ku qaadeen xero ay ku sugnaayeen askar katirsan Xabashida Itoobiya.
Weerar saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deedeegaan ka tirsan Mandiqadda Gojjam ee dalka Itoobiya ayay maleeshiyaadka Amxaarada FANO ku dileen saraakiil badan oo katirsan Itoobiya.
Ugu yaraan 37 sarkaal ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarkaan culus ee ay fuliyeen maleeshiyaadka Amxaarada ee FANO, waxaana maamulka Itoobiya ugu magacaaban gobalka Amxaarada ay leynta saraakiishaasi ku eedeeyeen kooxda weerarka geystay.
Waxaa intaa dheer oo ay kooxdu gacanta ku dhigtay 97 xubnood oo ubadan saraakiil katirsan Dowladda Xabashida Itoobiya.