Gaadiidleyda ka howlagala magaalada Muqdisho iyo goballada dalka ayaa sheegay iney dhibaato kala kulmayaan xubno katirsan maamulka gobalka Banaadir ee Dowladda Fedaraalka.
Gaadiidleydaan oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay kaga hadleen, dhibaatooyin isugu jira dhac iyo isbaarooyin ay dhigteen xubno katirsan maamulka gobalka Banaadir ee Dowladda Fedaraalka.
Waxa ay sheegeen in laga qaado lacago xad dhaaf ah oo aan la garaneyn halka ay usocdaan, iyagoo intaa ku daray in haddii aan arrintaan wax laga qaban ay iyagu is difaaci doonaan.