Afduubka ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, iyadoo gabar la afduubtay ay ka warbixisay wixii ay la kulantay.
Magaalada Muqdisho waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay kusoo badanaya afduubka loo geysanayo caruurta yaryar iyo waliba dadka waaweyn ee ku nool gobalka Banaadir.
Gabar lagu magacaabo Sowdo ayaa dhawaan lagu afduubtay magaalada Muqdisho, waxaana gurigeeda horteeda ka afduubtay qolyo gaari watay, kuwaas oo sun ku buufiyay taas oo sababtay iney istaaga ka dhacdo.
Waxa ay ka warbixisay qaabka loo afduubtay, iyadoo tilmaamtay in la geeyay goob ay ku sugnaayeen dhakhaatiir reer-galbeed ah, iyadoona intaas ku dartay in baaritaan ay dhaqaatiirkaas ku sameeyeen kadib ay qolyihii afduubtay usheegeen in ay gabadhaani xanuunsan tahay oo aysan aheyn dadkii ay rabeen.