Friday, March 14, 2025
HomeAll NewsGobalka Faafan ee Soomaali-galbeed oo Si Xun Loogu Dilay Rag Xabashi ah...

Gobalka Faafan ee Soomaali-galbeed oo Si Xun Loogu Dilay Rag Xabashi ah oo Gubay Qur’aanka Kariimka.

Rag Itoobiyaan ah oo gubay Musxafka Qur’aanka Kariimka ah ayaa lagu dilay gobal katirsan dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Itoobiya.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa gobalka Faafan oo kamid ah dhulka Soomaali-galbeed ee ay gumeysato Dowladda Xabashida Itoobiya lagu dilay, 2 nin oo gaalo Itoobiyaan ah, kuwaas oo gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah.

Muuqaallo naga soo gaaray mandiqadda Faafan ayaa muujinaya, dadka ku dhaqan gobalka oo aad uga carooday falkaas ayaa waxa ay dhagax ku dileen labada nin ee ku dhiirraday gubidda Musxafka.

Dadka dhagaxa ku dilay labadaan nin ayaa ku dhawaaqayay takbiirta, waxaana goobta ku sugnaa dad badan.

Halkaan ka Degso Warka Dilka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.