Monday, March 3, 2025
HomeAll NewsGolaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Waqti kudaray Cunaqabateynta Badda ee Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Waqti kudaray Cunaqabateynta Badda ee Soomaaliya.

Fadhi ay isugu yimaadeen xubnaha Ururka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay, in waqti lagu daray xilliga ay sii soconeyso xannibaadda dhanka badda ah ee saaran Soomaaliya, si baa la yiri looga hortago tahriibinta hubka iyo ganacsiga sharci darrada ah.

Go’aankan oo markii ugu horeysay soo baxay sanadkii 2014-ka ayaa dib loo cusbooneysiiyay 2021-ka, waxaana hadda markale dib loo cusbooneysiiyay bishan Marso ee sanadka 2025-ka, waxaana Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sheegeen in tallaabadan ay uga gol leeyihiin iney kaga hortagaan, in sharci darro ah lasoo geliyo dalka Soomaaliya.

Qaraarkan oo nambarkiisu yahay 2775, ayaa awood u siinaya ciidamada Qaramada Midoobay ee ku sugan xeebaha Soomaaliya iney baari karaan, maraakiibta iyo doomaha ay uga shakiyaan, iney wadaan hub ama maadooyin loo adeegsado qaraxyada, waxaana xitaa ay ku qaban karaan meel ka baxsan badda Soomaaliya.

Dowladaha xubinta ka ah golaha Ammaanka ayaa sheegay, in tallaabadan ay u arkaan mid ay ku xanibi karaan in hub loo gudbiyo Soomaaliya, saasoo gacanta ku gala Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta ciidamada Shisheeyaha ee kusoo duuley dalkan.

Dhowrjeer oo hore ciidamada UN-ka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay iney fashiliyeen hub la doonayay in la geliyo Soomaaliya, laakiin waxaa muuqata in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku tashato hubka ku jira gacanta ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Shisheeyaha, iyadoo inta badan dagaallada cagmarinta ahna ku furato saanado hub ah, oo ay ku jiraan gawaarida dagaalka ee lagu rakibo hubka lidka diyaaradaha.

Marka laga soo tago boorka iyo halkudhiga ay kor u lulaan maraakiibta ciidan ee Shisheeyaha kaga sugan xeebaha Soomaaliya, waxay maraakiibtan boob aan geed loogu soo gamban ku hayaan kheyraadka dhex ceegaaga badda, iyagoo u awood sheegta kalluumeystada Soomaaliyeed ee wata doomaha yaryar, kuwaasoo marar badna biyaha badda lagu hafiyay, qaarkoodna rasaas lala dhacay, halka qaar kalena la afduubtay, iyadoo lagu shaabadeynayo iney yihiin burcad badeed qorsheysanay afduubka maraakiib ganacsi.

Halkaan ka Degso Warka Qaramada Midoobey

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.