Dadka ku sugan degmada Awdheegle oo saakay goob joog u ahaa wixii halkaasi ka dhacay, ayaa idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan uga warramay dagaalka iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee degmada.
Waxay sheegeen iney magaalada si buuxda gacanta ugu hayaaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, oo sido kale la wareegay dhamaan saldhigyadii askarta Dowaldda Fedaraalka ay halkaasi ku lahaayeen.
Hadaba halkan hoose ka dhegeyso wareysiyo aan la yeelanay suldaanka beesha Begadi iyo goobjooge kale oo ku sugan degmada.