Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo ah gudoomiyaha degmada Kaxda ee Dowladda Fedaraalka oo wareysi bixinayay ayaa isagoo careysan waxa uu ka hadlay, warqad xayiraado lagu saaray oo kasoo baxday gudoomiyaha maxkamadda gobalka Banaadir.
Cabdullaahi ayaa warqaddaasi ku tilmaamay mid baadil ah oo loogu xadgudbay sumcaddiisa isda uu hadalka udhigay, isagoo xusay in gudoomiyuhu uu faragalin ku hayay degmada Kaxda.
Waxa uu tilmaamay ineysan wax shaqo ah ka dhaxeynin isaga iyo gudoomiye Saalax, uuna dhoofi karo xilliga uu doono hanjabaadna aan waxba looga qaadi karin.