Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsGudoomiyihii Hore ee Degmada Caabud-Waaq oo Lagu Dilay Degaan Katirsan Galgaduud.

Gudoomiyihii Hore ee Degmada Caabud-Waaq oo Lagu Dilay Degaan Katirsan Galgaduud.

Xasan Caabud-Waaq oo horay magaalada Caabud-Waaq uga soo noqday Gudoomiyihii ugu magacaawnaa halkaasi, ayaa waxaa shalay lagu dilay duleedka degaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud.

Ninkan ayaa saarnaa gaari ka baxay degmada Cadaado, oo kusii jeeday magaalada Caabud-Waaq, waxaana wadada ugalay oo halkaasi ku dilay koox dabley ah oo lagu sheegay iney ahayd malleeshiyo beeleed.

Dilalka ninkan ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay yaraadeen dilalka la xiriira aanooyinka qabiil ee horay marar badan uga dhacay gobolkaasi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.