Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsHogaamiyihii Ururka Shiiciga "Xisbullaah" oo Lagu Aasay Beyruut.

Hogaamiyihii Ururka Shiiciga “Xisbullaah” oo Lagu Aasay Beyruut.

Kadib ku dhawaad muddo bilood ah oo kasoo wareegatay dilka Xasan Nasrullaah oo ahaa hogaamiyihii ururka Shiiciga ah ee Xisullaah, waxaa maalitii shalay lagu aasay, mandiqadda loo yaqaan Ad-daaxiyah Al-Januubiyah ee magaalada Beruut oo caasimadda u ah wadanka Lubnaan.

Hogaamiyahan Shiiciga ah ayaa 27 09 2024-kii waxaa lagu dilay duqeyn ka dhacday isla magaalada Beyruut, taasoo aay fulisay Yahuudda.

Waxaa sido kale isla shalay la aasay oo ay Yahuuddu kadib Xasan Nasrullaahi duqeyn ku dishay, Haashim Safiyu-diin oo uga dambeeyay hogaaminta ururka muddo aan badaneyn, waxana isna lagu duugay tuulada uu kasoo eek u taalla Koonfurta Lubnaan.

Yahuudda ayaa labadan nin waqti isku dhow Aduunka dhaafisay, waxayna arrintaasi saameyn ku yeelatay ururka Shiiciga ah ee isugu yeera Xisbullaah oo ka dagaallama Koonfurta Lubnaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.