Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgallo kala duwan oo khasaare lagu gaarsiiyay Shisheeyaha iyo Dowladda Fedaraalka waxa ay ka faliyeen, Duleedka Muqdisho, iyo goballada Jubada-hoose, Baay iyo Lamu oo ay gumeysato Kenya.
Ugu yaraan 4 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa lagu dilay 9 kalana waa lagu dhaawacay, kamiin shalay ka dhacay deegaanka Lafoole ee u dhaxeeya magaalada Muqdisho iyo Afgooye ee gobalka Sh-hoose.
Dhanka kale weerar madaafiic ah ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku garaaceen, xerada askarta maamulka la baxay Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Buulo-xaaji ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo, waxaana ciidanka oo duqeynta kadib soo baxay ay la kulmeen weerar qorsheysan, kaas oo looga dhaawacay 4 askari.
Sidoo kale Askar katirsan Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa weerar qarax ah lagula beegasay deegaanka Awdiinle ee dhaca duleedka magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay.
Gobalka Laamuna, weerar culus ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen, xero ay askarta dowladda Kenya ku leeyihiin magaalada Maangaay ee gobalka Laamuu oo ay gumeysato Kenya, waxaana weerarka kadib ay ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab gudaha ugaleen magaalada, iyagoona umaxaadareeyay dadka deegaanka.
Halkaan ka Degso Faahfaahinta Howlgallada